HomeEducationKormeeraha cusub ee dugsiyada dadwaynaha Minneapolis oo la ansixiyay, waxayna qaadan doontaa...

Kormeeraha cusub ee dugsiyada dadwaynaha Minneapolis oo la ansixiyay, waxayna qaadan doontaa mushaar gaaraya $266,000.

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Kulan ay  xalay-Deseembar 12, 2023- ay ku yeesheen gudiga dadwaynaha Minneapolis xaruntooda Davis Center  ayaa waxaa ay ku ansixiyeen si rasmi ah kunturaada kormeeraha cusub ee dugsiyada dadwanaha Minneapolis. Lisa Sayles ayaa bedeli doonta kormeeraha ku meel-gaarka ah ee hada shaqada haya Rachael Cox shanta febraayo 2024. 

Gudiga ayaa ansixiyay kunturaada lala galay Lisa Sayles-Adams waxayna meel mariyeen qaraar lagu bilaabayo “nidaamka isbeddelka dugsiyada,” kaas oo ay ku jiraan xidhitaanka ama isku darka dugsiyada qaar.   

Sayles-Adams, oo hadda ah maamulaha Dugsiyada Eastern Carver County,  ayaa la siin doonaa mushaar gaaraya $ 266,000 ka dib marka ay shaqadeeda si rasmi ah u bilowdo bilowgga bisha Luuliyo. Haseyeeshee waxay shaqada soo galaysaa 5ta Febraayo waxaana la siin doonaa $107,000 ilaa dhamaadka bisha 6aad 2024. 

Guddiga oo ka koobaan sagaal xubnood ayaa ku ansixiyay aqlabiyad gaaraysa 8, halka hal qofna uu ka soo horjeestay. Gudiga ayaa xusay in ay doonayaan in ay bixiyaan mushaar u qalma kan gobolka laga bixiyo.  

“Masuuliyad ayaa naga wada saaran inaan la shaqayno  Dr. Sayles Adams,”  ayay tiri Guddoomiyaha gudiga  Sharon El-Amin. “Waxaan gabi ahaanba qorsheyneynaa inaan taageerno oo aan hirgalino isbeddelkaan sida ugu fudud ee suurto-galka ah.”

Kormeeraha ku meel gaadhka ah Rochelle Cox iyo Ed Graff, oo ah kormeeraha joogtada ah ee ugu dambeeyay degmada, labaduba waxa ay mushaar ahaan u qaadan jireen $230,000 sanadkii – qiyaastii 15% in ka yar waxa Sayles-Adams ay heli doonto sanadka ugu horeeya ee qandaraaskeeda saddexda sanada ah. Qandaraaska kormeeraha ku meel gaadhka ah ee Cox waxa uu dhacayaa Febraayo 4teeda, waxaana loo soo bandhigi doonaa qandaraas kormeere ku-xigeen ah, kaas oo ahaa doorkeedii hore ay u haysay, ayay tidhi  El-Amin.

Kormeeraha guud ee dugsiyada St. Paul ayaa lagu wadaa inuu sanad dugsiyeedka soo socda qaato mushaar dhan $261,120 iyo $266,342 sanadka soo socda, sida uu dhigayo qandaraaskiisa. Kormeeraha guud ee dugsiga degmada Anoka-Hennepin wuxuu qaatay $270,000 sannadkiisii ugu horreeyay ee shaqada.

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here