HomeEducationArday Soomaali ah iyo arday kale oo African-American ah ayaa Dugsiga Sare...

Arday Soomaali ah iyo arday kale oo African-American ah ayaa Dugsiga Sare ee St. Lious Park dagaal ku dhexmaray Khamiistii.

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Dugsiga Sare ee St. Louis Park ayaa la xiray  jimcihii, iyadoo xiisadaha iyo wax-qabadyada dugsiga la joojiyay ka dib dagaal dugsiga ka dhacay Khamiistii. Dagaalkani ayaa waxaa ku lug lahaa arday iyo dad waawayn.

Laba qof oo waaweyn ayaa la xabsiga la geeyay. Qaar ka mid ah arday iyo shaqaalaha ayaa  dhaawacyo fudud  gaadhay intii ay socdeen iska horimaadyadii dhacay gelinkii danbe ee maalintii Khamiista. Sida lagu sheegay bayaan lagu daabacay boga degmada. 

Dagaalkii ugu horeeyay wuxuu dhex maray laba kooxood oo arday ah. Macalimiinta iyo shaqaalaha ayaa soo dhexgalay. Laakiin xaaladdu waxay sii dartay markii dad waaweyn oo aan ka shaqayn dugsiga sare oo wax ka ogaa dhacdadii hore ay isku dhaceen ardaydii,  sida ay sheegeen maamulka dugsiga. 

Shaqaalihii dugsiga iyo askartii bilayska ee ku sugnaa dugsiga intii uu dagaalku socday ayaa  kala dhexgalay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay magaalada. 

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga waxa sababay dagaalka.  Saraakiisha degmada iyo booliiska ayaa baaritaan samaynaya jimcaha si dugsiga dib ugu furmo usbuuca soo socda.  

“Ilaa hadda ma jiraan xog ku saabsan in hub la isticmaalay labada dagaalba” sida lagu sheegay boga dugsiga. “Waxaan si firfircoon u uruurineynaa macluumaadka waxaana si dhow ula shaqeyneynaa sharci fulinta si aan u fahamno baaxadda rabshadahaan, oo ay ku jiraan in  cunsuriyn ay salka ku hayso.”

Waxaa kale oo la hakiyay dhamaan ciyaaraha kala duwan oo ay ku jiraan ciyaaraha fudud iyo ciyaarta kubbadda kolayga ee gabadhaha ee ay la ciyaarayeen  dugsiga  Benilde-St. Margaret. 

Saraakiisha degmada ayaa sheegay in macluumaad dheeri ah lala wadaagi doono qoysaska marka ay wax badan ka ogaadaan wixii dhacay Khamiistii. Waxay sidoo kale ay sheegeen in  amaanka la xoojin doono  usbuuca soo socdo. 

Waaxda Booliska ee St. Louis Park ma gayn booliis gaar u ah iskoolka tan iyo dabayaaqadii Agoosto, markii dhowr hay’adood ay dib ula laabteen booliiskii dugsiyada la gayn jiray iyagoo ka jawaabaya wax ka bedel lagu sameeyay sharciga xukumaya sida iyo goorta loo ogol yahay in booliisku adeegsadaan awood. Waaxdu waxay u xilsaartay wakiillo, oo hadda loogu yeero  juvenile response officers, si ay u roondeeyaan xaafadaha ku hareeraysan dugsiyada degmada.

Saraakiishaas ayaa subax walba la kulma maamulayaasha dugsiga sida ay sheegtay  afhayeenka degmada Rachel Hicks. Mid ka mid ah booliiskaan gaarka ah ayaa ku sugnaa  dugsiga oo ahayd qiyaastii  markii dagaalkii labaad uu qarxay.

Dhammaan dugsiyada kale ee ku yaal galbeedka metro waa ay furnaayeen sidii caadiga ahayd. 

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here