HomeCommunity and CultureJaaliyada Soomaaliyeed ee Minnesota oo qorshaynaya isu soo bax balaaran oo ka...

Jaaliyada Soomaaliyeed ee Minnesota oo qorshaynaya isu soo bax balaaran oo ka dhan ah dowlada Ethiopia, laguna taageerayo Soomaaliya. 

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa abaabulaya isu soo bax balaaran oo lagu taageerayo mowqifka dowlada Soomaaliya ka istaagtay isafgaradka dhexmaray maamulka Somaliland iyo Dowlada Federaalka Ethiopia. Isu soo baxaan ayaa sidoo kale lagu canbaaraynayaa  xadgudubka dowlada Ethiopia ee madax banaanida Soomaaliya. 

Dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ku jiraan culaamu’diinka ganacsatada, aqoon yahanka, dhalinta, iyo dumarka ayaa qayb ka ah gudiga abaabulaya isu soo baxaan la qorsjhaynayo in uu qabsoomo maalinta Jimcaha Janaayo 26, 2024. Waxaana lagu qaban doonaa xarunta Al-itqan Center oo ku taal  12119 16th Ave, S Burnisville, MN 55337. 

Qabanqaabiyayaasha ayaa ku rajo wayn in ay fariin cad u diraan dowlada Ethiopia. Waxaa ay dhanka kale taageero u muujinayaan dowlada federaalka Soomaaliya.  Isu soo baxaan ayaa halkudhag looga dhigay “Difaaca Dhulka Hooyo” bad iyo barri toona taako dhulkayaga ahi iib ma’ahan.  

Isxaaq Sheikh Maxamed oo kamid ah qaban qaabiyayaasha shirka ayaa u sheegay Somali Media of Minnesota in tahay u jeedada ay shirka u qabanayaan “  inaan ku taageerno dadaalka ay dowlada ugu jirto difaaca dalka hooyo kana soo hirjeesano damaca dowlada Ethiopia ay doonayso in ay ku qaadato dhulkeena iyo badeena”. 

Jaaliyada Soomaaliyeed ee Minnesota ayaa qabatay labo shir saxaafadeed oo ay ku canbaaraynayeen is afgaradka dhex maray Dowlada Ethiopia iyo maamulka Somaliland 1dii Janaayo 2024 magaalada Addis Ababa. Is afgaradkaan ayaa dhigayay in dowlada Ethiopia laga kiraynayo dhul gaaraya 20km oo ku teedsan bada mudo konton sano ah. Taa badalkeeda Ethiopia waxay aqoonsan doontaa maamulka Somaliland. 

Tan iyo intii la saxiixay heshiiskaan, dowlada Soomaaliya ayaa loolan diplumaasiyadeed gashay waxayna ku qancisay caalamka in is afgaradkaasi sharci darro yahay. Dowlada Maraykanka, Midowga Yurub, Midowga Africa, IGAD, Jaamacada Carabta, iyo Ururka Muslimiinta ayaa dhamaan canbaareeyay is afgaradkaas. 

Soomaalida ku dhaqan Maraykanka ayaa cudud siyaasadeed ku leh gudaha dalka Maraykanka taas oo ay ku garab istaagi karaan dowlada Soomaaliya. 

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here