HomeHealthNoocyada kala duwan ee COVID-19, baaritaanka, iyo faa’iidada talaaka.

Noocyada kala duwan ee COVID-19, baaritaanka, iyo faa’iidada talaaka.

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Noocyada  kala duwan ee COVID-19 (Variants)

Fayrasyada  sida kan sababa COVID-19 aad ayay isu badbadalaan. Marka uu fayrasku isbeddelo waxa loo yaqaan ” Variant” wuxuuna farac ka  yahay fayraska asalka ah. Noocyo cusub oo fayras ah ayaa la filayaa inay  soo baxaan  waqti walba.

Noocyo badan oo COVID-19 ah ayaa ku faafay adduunka oo dhan iyo gudaha Mareykanka. Qaar badan oo ka mid ah noocyadan ayaa ku fiday Minnesota.

MDH iyo hay’adaha la shaqeeya  waxay si firfircoon u baaraan muunado cusub  si ay u ogaadaan kala duwanaanshaha fayraska si wax badan looga ogaado.  

Xogtu waxay tusinaysaa in noocyada qaar ay si fudud u faafaan lagana yaabo in ay ka faafitaan badan yihiin fayraskii asalka ahaa.  Waaxda caafimaadka waxay ku talinaysaa in talaaka la qaato. 

Talaalku Muxuu kaa caawin karaa

Tallaalku wuxuu yareeyaa fiditaanka fayraska ee bulshada dhexdeeda, taas oo ka dhigaysa mid adag in noocyo cusub isu bedelo. 

Tallaaladu waxay yareeyaan halista aad ugu jirto in aad la xanuunsatid fayraska Covid 19, ama in isbitaalka lagu seexiyo xanuunka COVID awgiis.  Taasi waa sababta ay aad muhiim ugu tahay dhammaan dadka xaqa u leh in ay is talaalaan in ay qaataan talaaka.  

Dadka Reer Minnesota ee da’doodu tahay 6 bilood iyo wixii ka weyn waa inay qaataan tallaalka xoojinta marka xiligooda la gaaro.

Baaritaanka noocyada COVID. 

Baaritaanada  COVID-19  laguma ogaado nooca fayraska ku hayo. 

Iyadoo loo marayo habka loo yaqaan sequencing, saynisyahannadu waxay go’aamin karaan nooca fayraska aad u faafaya, waxayna si dhaw ula socdaan noocyada cusub ee soo baxa.  

Hadii aad doonaysid macluumaad dheeri ah booqo : CDC: Variants of the Virus.

COVID 19 mar labaad ma kugu dhici karaa? 

Haddii uu kugu dhacay  COVID-19 saddexdii bilood ee la soo dhaafay, waxaa laga yaabaa inaad weli leedahay difaaca fayraska. Si kastaba ha ahaatee, in fayrasku kugu dhaco mar kale waa suurta gal mar kasto oo waqtigu kordho.   Noocyada fayraska sababa COVID-19 waxaa laga yaabaa inay ka duwan yihiin kii markii hore kugu dhacay oo uu difaaca jirkaaga yaqiinay. 

Sida ugu wanaagsan ee aad naftaada u ilaalin karto waa in lagu tallaalo. Uma baahnid inaad sugto saddex bilood ka dib markaad ka soo kabsato COVID-19 si aad isu tallaasho.

Cilmi baaristu waxay muujineysaa in dadka qaata talaaladii ugu danbeeyay uu difaaca jirkoodu ka sareeyo difaaca dabiiciga ah ee samaysma ka dib marka uu kugu dhacay COVID-19.  Warbixinta CDC waxay muujineysaa in dadka aan la tallaalin ee horey ugu dhacay  COVID-19 ay laba jeer ka badan yihiin dadka si buuxda u qaatay talaaka in mar 2aad kugu dhaco COVID-19.   

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here