HomeEducationWaalidiin ku qasbay maamulaha dugsiga dhexe ee Andersen in ay xilka banayso. 

Waalidiin ku qasbay maamulaha dugsiga dhexe ee Andersen in ay xilka banayso. 

Date:

Related stories

DHS–Childcare Provider Dispute Escalates Over Payments and Licensing in Minnesota

MINNEAPOLIS, Minn. A dispute between the Minnesota Department of...

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday LifeA...

Tara FitzGerald, oo ahayd maamulaha Dugsiga Dhexe ee Andersen United ilaa 2021, ayaa lagu qasbay in ay xilka wareejiso. 

Maamulaha Dugsiga Dhexe ee Andersen United ee Minneapolis ayaa xilka laga qaaday kadib  markii koox waalidiin carqaladeeyeen shirkii  golaha dugsiyada dadwaynaha Minneapolis ee qabsoomay janaayo kowdeeda, waxayna ku baaqeen in maamulka isbedel lagu sameeyo. 

Tara FitzGerald, oo ahayd maamulaha  Andersen tan iyo 2021, ayaa raadsan doonta xil kale isla Dugsiyada Dadwaynaha Minneapolis dhexdeeda, sida ku qoran warqad loo diray qoysaska. Laga bilaabo Isniinta, Ray Aponte  ayaa noqonaya maamule ku meel gaar ah inta ka dhiman sannad dugsiyeedka.

Aponte wuxuu ka fariistay shaqada 2019 ka dib 29 sano oo uu u shaqaynayay degmada. Wuxuu soo noqday maamulaha Waite Park Intermediate, Andersen Jefferson K-8, Northrop Elementary, iyo South High School.  

Isbadalkan ayaa imanaya todobaadyo kadib markii  waalidiinta ardayda Andersen oo ay hogaaminayso Elana Sosa ay hakiyeen shirkii golaha  ee 9-kii Jannaayo waxay wateen boodhadh ay ku sawiran yihiin caruurtooda. Waxaa ay codsadeen in maamulka si deg-deg ah loo badalo. 

Waalidiintaan oo la kulantay mas’uuliyiinta degmada Jan. 12, waxay codsadeen in  Andersen  dib loogu soo celiyo in uu u adeego ardayda fasalka xanaanda ilaa 8aad.   Dugsiga koonfurta Minneapolis ku yaala hadda wuxuu u adeegaa ardayda xanaanada ilaa fasalka lixaad.  

Xubin ka tirsan guddiga Adriana Cerrillo, oo taageertay waalidiintaan, ayaa sheegtay dhammaadka usbuuca inay “aad ugu faraxsan tahay” inay maqasho isbeddelka hoggaanka.  

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here