HomeJusticeGolaha magaalada Brooklyn Center oo ka hor yimid sharci lagu mamnuuci lahaa...

Golaha magaalada Brooklyn Center oo ka hor yimid sharci lagu mamnuuci lahaa in booliisku baaraan baabuurta. 

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Golaha Magaalada Brooklyn Park Center ayaa  diiday mooshin ka mamnuuci lahaa booliiska in ay baabuurta joojiyaan hadii khaladaad taraafik oo yar ay galaan. Golaha oo ka kooban shan xubin ayay sadex ka mid ahi ka soo horjeesteen qaraarka halka labo xubin ay u codaysay.  

Dareenka goobjoogayaasha ayaa aad u kacsanaa markii codaynta ay dhacday ka dib. Gudi loo xilsaaray in ay baaritaan sameeyaan ka dib markii sarkaal ka tirsan booliiska magaalada Kibberley Potter ay toogatay Daunte Wright bishii Abriil 2021. Gudigaan ayay sadex sano ku qaadatay in ay soo saaraan qaab lagu yarayn karo dilka ka dhasha marka ay booliisku joojiyaan baabuurta gala khalad taraafik.  Gudigaan ayaa ku taliyay in booliiska laga mamnuuco in ay baaraan baabuurta ay u joojiyaan khaladaad yar yar hadii aysan jirin sabab macquul ah iyo cadaymo muujinaya in darawalka lala xiriirinayo dambi.

Wright hooyadiis, Katie Wright, ayaa canaanatay golaha go’aankooda ka dib.

“waxaad tihiin dad  xun, dad badan ayaa la dili doonaa sababtoo ah shaqadiina ma qabsanaysaan,” Katie Wright ayaa tiri, iyada oo ilmaynaya. “Saddex sano ayaan dagaalamayay, wiilkeygu wuxuu dhintay labo sano iyo 9 bilood ka hor, sideed ku diidi kartaan sharci dadka lagu ilaalinayo.”

Maamulka magaalada ayaa assaasay Guddiga Hirgelinta Badbaadada iyo Kahortagga Rabshadaha ka dib markii ay booliisku toogteen Wright iyo Kobe Dimock-Heisler. Wright ayaa la  dilay kadib markii loo joojiyay khalad taraafik. Potter ayaa si qalad ah u isticmaashay bastooda iyada oo moodaysay taser. Dimock-Heisler ayaa lagu dilay gurigiisa sanadka 2019.

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here