HomeJusticeAskari ka tirsan ciidamada gobolka Minnesota oo lagu soo oogay dacwad dil...

Askari ka tirsan ciidamada gobolka Minnesota oo lagu soo oogay dacwad dil oo uu u geystay nin African Amerikaan ah. 

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Askari ka tirsan ciidamada ilaalada Minnesota ee loo yaqaan State Trooper ayaa lagu soo oogay saddex dambi, oo uu ku jiro dil, ka dib markii uu toogasho ku dilay  Ricky Cobb II  oo gaari ku watay waqooyiga Minneapolis. 

Xeer Ilaaliyaha Degmada Hennepin Mary Moriarty ayaa Arbacadii ku dhawaaqday go’aanka ah in sadex dacwadood lagu soo oogayo Ryan Londregan. Dacwadahaan ayaa kala ah dil aan ula kac ahayn oo darajada 2aad ah, ku xadgudub darajada 1aad ah, iyo dil toogasho loo gaystay  Cobb oo  33 jir ah. Toogashada ayaa dhacday July 31keeda  kana dhacday Plymouth. Cobb ayaa lagu istaajiyay qiyaastii 2adii subaxnimo wadada gobolada iskaga gooshta ee 94 sababtoo ah nalka danbe ee gaarigiisa ma shaqaynaynin.   

Kadib markii ay joojiyeen Cobb, ciidamada ayaa ogaaday in uu jabiyay amar maxkameed oo ka soo baxay Ramsi County.  

Eedeymaha ka dhanka ah Londregan, oo 27 jir ah kana shaqaynayay nabad sugida mudo ka yar labo sano ayaa qaadatay in ka badan afar bilood kadib markii xarunta Minnesota Bureau of Criminal Apprehension ay natiijada baaritaanka ay sameeyeen ku wareejiyeen xeer ilaaliyaha degmada Hennepin Moriarty.

“Sida laga doonayo dhammaan saraakiisha sharci fulinta ee Minnesota, askarta gobolku waxay isticmaali karaan awood kaliya marka ay lagama maarmaan noqoto sida in qof  laga ilaaliyo khatar gaar ah oo la garanayo oo dhaawac weyn oo jidheed ama dhimasho keenaysa  taasoo suurta gal ah inay dhacdo,” Moriarty ayaa ku tiri shir jaraa’id. “Khatartaasi  kama aysan jirin kiiskan. … Ricky Cobb II inuu noolaado ayay ahayd maanta.”

Moriarty waxay sheegtay  in ciidammadu ay maalin kasta joojiyaan baabuurta iyada oo ay dhibaato dhicin tababar fiicana way qaataan “Askariga Londregan ma uusan raacin tababarkii la siiyay” ayay tiri.

Londregan wuxuu noqday tababare ciidan bishii Febraayo 2021 waxaana la magacaabay toddobo bilood ka dib, sida ku cad faylka shaqaalaha dadweynaha. Waxa uu galayaa fasax mushaarkiisa u soconayo ilaa dacwadaan bilaabanaysa isniinta laga soo gabagabeeyo.  

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here