HomeEducationCadaawad loo qabo Soomaalida ayaa sabab u ahaa dagaalka ka qarxay Dugsiga...

Cadaawad loo qabo Soomaalida ayaa sabab u ahaa dagaalka ka qarxay Dugsiga Sare ee St. Lious Park; hooyo iyo caruurteeda ayaa la dacweeyay

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Cadaawad ay u qabeen Soomaalida ayaa  sabab u ahaa dagaal ka qarxay Dugsiga sare ee St. Lious Park. Hooyo iyo labadeeda ciyaal oo dacwad lagu soo oogay. 

Cadaawada ay hooyo iyo caruurteeda u qabeen arday Soomaaliyeed oo wax ka barata dugsiga sare ee St. Lious Park ayaa huriay  dagaal ka qarxay gudaha dugsiga, mar labaadna banaanka dugsiga sida ku cad dacwada maxkamada. 

Dagaalkan ayaa sababay in maamulka dugsiga hakiyaan dhammaan  waxbarashada maalintii xigtay ee Janaayo 19.

Khamiistii waxaa maxkamada Degmada Hennepin dacwad lagu soo oogay  Jerome A. Smith oo 19 jir ah, Abreeha A. Smith oo 22 jir ah, iyo hooyadood, Latoys R. Milon oo 41 jir ah.

Qoyskaan degan St. Louis Park waxaa looga yeeray maxkamada. Diiwaanada maxkamada wali ma tusinayaan  taariikhda la maxkamadayn doono  sadexdaas qof iyo qareenada difaacaya. Farriimo ayaa loo dhaafay qoyska si ay oga soo jawaabaan. 

Sida ku cad eedeymaha:

Booliiska ayaa la wargaliyay Jan. 18 abbaaraha 2:15 galabnimo in waalid uu ku sugnaa dugsiga oo ku hanjabayay inuu garaaci doono ardayda. Saraakiishu waxay la kulmeen maamule ku xigeenka iyo Milon, oo sheegtay in gabadheeda 16-jirka ah ay telefoon ugu sheegtay  “in gabdho Soomaali ah ay dusha oga boodeen,” sida ku cad dacwada. 

Fiidiyowga ilaalada dugsiga ayaa muujinaya  in khilaafkii ugu horreeyay uu  u dhexeeyay  Jerome Smith iyo wiil Soomaali ah oo ku sugnaa hoolka.  Gabadha wacday hooyadeed kuna andacoonaysa in dusha lagaga booday  “waxaa lagu arkay [muuqaalka] iyadoo si iskeed ah u galaysa dagaalka feerna la dhacaysa gabar kale oo Soomaali ah” waxay sheegtay wax ka duwan ayaa meesha ka dhacay. 

Askari taagnaa banaanka dugsiga  ayaa markiiba arkay dagaal ay ku lug leeyihiin Jerome Smith, Abreeha Smith, gabadha 16-jirka ah iyo wiil 14 jir ah oo ay dhashay Milon “dhammaantood waxay la dagaalamayeen dhowr arday oo Soomaali ah, qaarkood baabuur ayay ku dhajiyeen. ” sida ku cad eedeymaha. ” Dhamaantood  waxay si firfircoon u feerayeen, garaacayeena dhowr arday oo Soomaali ah.”

Intii ay carruurteedu dagaallamayeen, Milon waxay ku qaylinaysay, af-lagaadaysay oo ay liidaysay ardayda Soomaaliyeed. Markii ay yimaadeen askar dheeraad ah, Milon iyo carruurteeda gaariga ayay galeen goobtana way ka baxsadeen.  

Arday Soomaali ah  ayaa booliska u sheegay in gabadha Milon oo 16 jir ah ay feer ku dhufatay sabab la’aan.  Arday kale oo Soomaali ah ayaa sheegtay in Abreeha Smith ay dhanka bidix ee madaxa feer kaga dhufatay.

Banaanka, arday kale oo Soomaali ah ayaa sheegay in ay dadkaan rabshada wada soo weerareen uuna dareemay in loo bartilmaameedsaday maadama uu Soomaali yahay. Wajiga iyo lugaha ayay dhaawacyo ka soo gaareen.  Arday kale oo Soomaali ah ayaa sheegtay in Jerome Smith uu ku ciijiyay labada gacmood, halka Abreeha Smith ka feertay madaxa intii la ciijinayay.  

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here