HomeLatestBoqolaal ka tirsan shaqaalaha xanaanada waayeelka uu shaqo joojin ku dhawaaqay Maarso...

Boqolaal ka tirsan shaqaalaha xanaanada waayeelka uu shaqo joojin ku dhawaaqay Maarso 5teeda.

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Shaqaale badan oo ka shaqeeya xarumaha dadka waawayn lagu xanaaneeyo ayaa u asteestay Maarso 5teeda in ay sameeyaan 24 saacadood oo shaqo joojin ah.  

Shaqo joojintaan ayaa qayb ka ah shaqo joojin ay samaynayaan dhamaan shaqaalaha adeega ee ururka (SEIU) iyo ururrada kale ee Minnesota iyo qaar ka mid ah shaqaalaha aan ka tirsanayn ururada oo samaynaya shaqo joojin horaanta Maarso. 

Madaxa daryeelka caafimaadka ee SEIU   Minnesota Jamie Gulley ayaa sheegay in 1,000 shaqaale oo ah kalkaaliyaasha  xanaaneeya dadka waayeelka ah ay ka qayb qaadan doonaan.  

Gulley ayaa yidhi “Ma jiro wax horumar ah oo laga gaaray gorgortanka,”  

SEIU Healthcare Minnesota and  Iowa iyo United Food and Commercial Workers 663 ayaa ku gorgortamaya inay shaqaalahooda helaan mushaarkordhin, caymis caafimaad oo la awoodi karo, hawlgab iyo shaqaale kordhin, hogaamiyayaasha ururka ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo Khamiistii ay qabteen.  

Shaqaaluhu waxay codsadeen in la siiyo mushaharka ugu yar ee ah $25 saacadii. In ka badan kala bar shaqaalaha ayaa weli qaata wax ka yar $20 saacaddii, ayuu yiri Gulley.

Monyou Taye, oo ah kalkaaliye iyo wakiilka ururka ee St. Therese of New Hope, ayaa ka hadashay Talaadadii baahida loo qabo kordhinta mushaharka. Waxay sheegtay in mushaharku uu ka caawin karo sii haysashada shaqaalaha iyo fududaynta culayska shaqada.

“Waxaan dareemaynaa culays,  waxayna naga dhigaysaa dad xanaaqsan maadaama aan wajahayno xaaladaan adag. Waxaan u baahanahay mushahar kordhin,” ayay tidhi Taye.

Sannadkii hore, sharci-dejinta Minnesota ayaa abuurtay guddi  awood u yeelan doona inuu baaro xaaladaha shaqada, iyo dejiyana mushaharka ugu yar ee shaqaalaha  xanaanaynta waayeelka. In gobolku dejiyo halbeegyada ugu hooseeya waxay siinaysaa ururrada awood dheeraad ah oo ay si wadajir ah ula gorgortamaan  loo shaqeeyayaasha.  

Gulley wuxuu sheegay in ururadu aysan sugi karin isbedelada ka imaanaya guddiga, si kastaba ha ahaatee. Sida ugu dhaqsiyaha badan ee ay u dhaqan galayaan waa Janaayo 1deeda, 2025, ayuu yidhi.

Sida uu qabo  sharciga Minnesota, ururadu waa inay bixiyaan ogeysiis 10 maalmood ah ka hor intaysan shaqo joojin sameyn. Gulley waxa uu sheegay in shaqaalaha xanaanada dadka waawayn  ay si buuxda ugu diyaar garoobeen shaqo joojinta dhacaysa Maarso shanteeda. 

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here