HomeLatestNin ka tirsan Ciidanka Cirka ee Maraykanka oo ka xanaaqsan Dagaalka Israel...

Nin ka tirsan Ciidanka Cirka ee Maraykanka oo ka xanaaqsan Dagaalka Israel ee Gaza

Date:

Related stories

DHS–Childcare Provider Dispute Escalates Over Payments and Licensing in Minnesota

MINNEAPOLIS, Minn. A dispute between the Minnesota Department of...

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday LifeA...

Aaron Bushnell oo 25 jir ah ayaa ku dhintay cisbitaalka kadib markii uu isku gubay afaafka hore ee safaaradda Israa’iil ee magaalada Washington,D.C., Axaddii. Waxaa uu sheegay in uu isu gubayo xasuuqa Israel ku hayso Falastiiniyiinta Gaza awgeed.  

Bushnell wuxuu ka tirsanaa Ciidanka Cirka ee Mareykanka wuxuuna saldhigiisu ahaa San Antonio, Texas.  Waaxaa u dhintay dhawaaca ka soo gaaray gubashada sida ay sheegeen Bilayska. 

Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in ay ku howlanaayeen baaritaanka warark sheegaya in shaqsi qaba  xaalad degdeg ah oo caafimaad ama maskaxeed. Bilayska deegaanka ayaa goobta soo gaaray qiyaastii 1-dii duhurnimo

Bushnell ayaa ku sheegay Barta bulashada ee Twitch in uu is gubayo.  

Bushnell waxa uu muuqaalka uu ku sheegay in “uusan mar dambe lug ku yeelan doonin xasuuqa.” Ka dib markii uu sku gubay afaafka hore ee safaaradda Israa’iil, Bushnell ayaa si toos ah loo daawanayay wuxuuna ku qaylinayay  “Free palastine” “Falastiin xor ah!”

Dabka waa la damiyay, Bushnell oo dhaawacyo halis ah qabana waxaa loola cararay cusbitaalka  sida ay sheegeen DC Fire iyo EMS.

Safaaradda Israa’iil ee D.C. ayaa sheegtay in shaqaalaheeda wax dhibaato ah aysan soo gaarin.  

 Twitch ayaa muuqaalka fiidiyooga hawada ka saartay. 

#image_title

Dhacdadan ayaa waxaa hadda baaraya booliska deegaanka, ciidanka sirdoonka iyo xafiiska khamriga, tubaakada, hubka iyo walxaha qarxa. Booliska deegaanka ayaa sheegay in muuqaalkan uu qeyb ka yahay baaritaankooda. Ciidamada Cirka ee Maraykanka ayaa sheegay inay bixin doonaan macluumaad dheeraad ah maalinta soo socota ka dib marka la ogaysiiyo xigtada. 

Bushnell waxa uu si mutadawacnimo ah ula shaqaynayey San Antonio Care Collective si uu taageero ugu fidiyo dadka aan degenayn magaalada, Lupe Barboza oo ka tirsan ururka daryeelka ayaa u sheegay Raadiyaha Dadweynaha Texas.

Maalmo ka hor dhimashadiisa, Bushnell waxa uu qoray dardaaran uu ku faahfaahinayo rabitaankiisa wuxuuna la wadaagay saaxiibadiisa. 

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here