HomeBusinessWaa imisa lacagta ay sameeyaan darawalda Uber iyo Lyft?

Waa imisa lacagta ay sameeyaan darawalda Uber iyo Lyft?

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Daraasad nooceeda aan hore loo samayn ayaa lagu ogaaday lacagta ay sameeyaan darawalada Uber iyo Lyft inta ay shaqada ku jiraan. Daraasada ayaa tilmaamaysa in darawalada ka shaqeeya magaalooyiinka mataanaha ah  ay sameeyaan cel-celis ahaan $53 saacadii inta ay ay wadaan macmiilka. 

Haseyeeshee, darawalada ayaa hela wax ka yar $15 saacadii oo ka hoosaysa mushaar-bixinta ugu yar Minneapolis iyo Saint Paul marka la xisaabiyo mudada ay shaqada ku jiraan oo laga jaray 60 centi maylkiiba oo ah qiimaha ay dowlada federaalka jaangoysay in loo celiyo shaqaalaheeda.

 Warbixintaan ma soo afjarayo muranka u dhexeeya darawalada iyo shirkadaha Uber/Lyft, laakiin waxay cadaynaysaa halka ay isku maandhaafsan yihiin shirkadaha iyo darawalada. 

Daraasadaan oo ah tii ugu waynayd ee abid la sameeyo, waxaa sameeyay laba dhaqaaleyahan oo ka wakiil ah Waaxda Shaqada iyo Warshadaha ee gobolka ka dib markii Gov. Tim Walz uu viito saaray sharci siin lahaa darawalada Uber/Lyft qiimaha mushaharka ugu yar. Waxa uu sidoo kale  sameeyay gudi ka soo tala bixiya arrintaan si sharci dejintana sharci oga soo saaraan.  Gudiga loo xilsaaray ayaa shaqadooda dib loo dhigay sababtoo ah ma aysan haysan xog ay wax ku dhisaan.  

Warbixintani ayaa loo gudbiyay Senator Omar Fateh iyo Xil. Hodan Xassan oo qoray sharcigii lagu dalbanayay in darawalada mushaarka loo kordhiyo. Waxaa ay ka shaqaynayaan in ay soo gudbiyaan nuqul kale oo sharcigaasi ah. 

Qorayaasha warbixinta ayaa ku qiyaasay in darawalada la siiyo  ugu yaraan 49 senti daqiiqadii iyo 89 senti halkii mayl si ay u helaan mushaharka ugu yar ee magaalada Minneapolis oo ah $15.57 saacadii iskana bixiyaan kharashaadka sida qarashka baabuurka iyo caymiska. Haddii sidaasi laga dhigo mushaharka ugu yar, dakhliga darawaladu wuxuu kor u kacayaa 10%kiiba. 

Qorayaasha warbixintu waxay xisaabiyeen hadii darawalada la siiyo halkii mile  $1.20 gudaha metro, waxay helayaan mushaarka ugu yar,qarashaadka shaqada, iyo faa’idooyiinka ay helaan shaqaalaha caadiga ah sida fasaxa jirada, caymiska caafimaadka, gunada hawlgabka iyo caymiska shaqo la’aanta. (Dareewalada Uber iyo Lyft waa qandaraaslayaal madaxbannaan oo aan la siin faa’iidooyinkan.)

Uber iyo Lyft ayaa ku gacan sayray warbixntaas kuna tilmaamay in ay tahay mid dhinac u janjeedha. Waxaa ay ku doodeen in khrashaadka la xisaabiyay sida gaariga iyo telefoonka ay marwalbo darawalada isticmaali lahaayeen. Taa badalkeeda waxay tilmaameen daraasad ay iyaga sameeyeen. 

Dooda Mushaar kordhinta darawalada Uber/Lyft ayaa ah mid taagan, go’aanka laga gaarana saamayn balaaran klu yeelanaya nolosha dad badan oo reer Minnesota ah. 

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here