HomeEducationBiden oo lacag badan ka jaraya dugsiyada Jaatarka (charter schools)

Biden oo lacag badan ka jaraya dugsiyada Jaatarka (charter schools)

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Madaxweyne Joe Biden ayaa codsaday in aad loo dhimo dhaqaalaha loo qoondeeyay dugsiyada gaarka loo maamulo (charter schools) soo jeedinta miisaaniyada  sanadaka 2025.   

Biden ayaa gudbiyay codsigiisa miisaaniyada Isniintii, waxaa uuna  codsigiisa ku daray in la kordhiyo dhaqaalaha loo qoondeeyay wazaarada waxbarashada 3.9%, taasoo ka dhigaysa wadarta miisaaniyada wasaarada $82 bilyan. 

Qaybaha loo kordhiyay dhaqaalaha waxaa ka mid ah deeqaha gobolada siiyaan barnaamijyada barashada xirfadaha iyo farsamada( career and technical education programs) iyo barnaamijyada ka soo kabashada COVID 19 sida waxbarashda xiliga dugsiga ka dib.  Si kastaba ha ahaatee, maalgelinta Barnaamijka Dugsiyada Charterada (CSP), oo ah isha kaliya ee dhaqaale  ahaan  taageerta wadanka oo dhan marka la furayo dugsi cusub ayaa wajahaysa dhimis $40 milyan ah.

JCPS

Haddii la ansixiyo, maalgelinta CSP waxay noqon doontaa $400 milyan halka ay hada tahay $440 milyan. Dadka u ololeeya dugsiyada gaarka ah ayaa si adag ooga hor yimid soo jeedinta Biden waxaa ayna ku tilmaameen in ay “fariin qaldan u dirayso qosaska.  

“Dugsiyada Charterka waxaa lagu dhigtaa bilaash, dadka oo dhana waa ay u firan yihiin. Dugsiyadan gaarka ah waa halbowlaha nolosha ardayda dalka oo dhan,”  the National Alliance for Public Charter Schools (NAPCS)  ayaa sidaas yidhi Isniintii. “Maamulka Biden waa in uu diiradda saaraa sidii uu u yarayn lahaa culayska xeerarka macno darada ah oo lagu dhibo chartarada halkii uu lacagta ka dhimi lahaa.” 

Inta badan ardayda dhigata dugsiyada gaarka loo maamulo ayaa ah bulshooyiinka dakhligoodu hooseeyo, sida ay sheegtay NAPCS.  Isbahaysiga dugsiyada charterada ayaa ku dooday in qoysasku u baahan yihiin dugsiyo ka jawaaba baahida ardayga iyagoo xusay in arday badan ay sugayaan fursad ay ka helaan dugsiyada  gaarka loo maamulo 

Angela Morabito, oo ah af hayeenka  Defense of Freedom Institute hore u soo noqotay Af-hayeenka wasaarada waxbarashada ayaa ku nuuxnuuxsatay in soojeedinta Biden ay tahay taageero iyo dhiiri galin uu siinayo ururada macalimiinta.  

Daraasad ay samaysay EdWeek waxay muujinaysaa in kobaca dugsiyada charter ka uu ka sare maray kan dugsiyada dadwaynaha. Diiwaangelinta ardayda dugsiyada Charter ka  waxay korodhay 7% intii u dhaxaysay dayrtii 2019 iyo 2020, halka dugsiyada dadwaynuhu lumiyeen 4% ardayda.

Xoghayaha waxbarashada Miguel Cardona ayaa ku farxay soo jeedinta Biden Isniintii, isagoo sheegay in miisaaniyada  la soo jeediyay “ay sare u qaadayso” waxbarashada.

“Madaxweynuhu waxa uu mudnaanta siinayaa miisaaniyadaan mas’uuliyadda maaliyadeed isagoo samaynaya tillaabooyin geesinimo leh si loo yareeyo farqiga waxbarashada” ayuu yiri Cardona.

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here