HomeHealthMaxaad u baahan tahay inaad ka ogaato jadeecada. 

Maxaad u baahan tahay inaad ka ogaato jadeecada. 

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Xasuusnow in ay jirto jadeeco inta aadan safrin kahor iyo kadiba

Jadeecadu waa cudur lisku daarto liskuna qaadsiiyo hawada kadib marka qof qaba jadeecada uu qufaco ama hindhiso.  Jadeecadu waxay dhibaato xoogan u gaysataa dadka difaaca jirkoodu hooseeyo ama dafiicka yahay.  Caruurtu aad ayay ugu nugul yihiin in ay qaadaan jadeecada waxayna sababtaa cudur halis ah. 

Safarka ka hor

Kahor intaadan ka bixin Minnesota, waa inaad hubisaa in adiga iyo xubnaha qoyskaaga ay  qaateen talaaka jadeecada, qaamo-qashiirka, iyo  Rubbela oo loo yaqaan (MMR).   Jadeecadu  aad ayay ugu badan tahay meelo badan oo adduunka ah. Dhakhtarkaagu wuxuu kaloo hubin karaa in adiga iyo xubnaha kale ee qoyskaaga aad qaadateen dhammaan tallaalladaada, sidaa darteed waxaad safri kartaa adiga oo aan cabsi qabin.  

Safarka ka dib

Calaamadaha  iyo astaamaha lagu garto jadeecada waxay noqon karaan kuwo yar oo mararka qaarkood lagu  qaldo cudurro kale, sida  qabowga ama hargabka, laakiin waxay noqon kartaa cudur halis ah oo kuu sababi kara in qofka cusbitaalka la seexiyo ama inuu u geeriyoodo.  Dadka ay ku dhacdo jadeecadu inta badan waxay leeyihiin xanuuno sida shuban, infekshannada dhegta, oofwareenka, ama cudurka maskaxda-Acute incephelitus- ( Waa infekshan maskaxda ku dhaca oo sababi kara dhibaato waarta). Xanuunadaan ayaa ku badan carruurta ka yar 5 sano iyo dadka ay da’doodu ka wayn tahay 20 sano.  

Haddii aad dhowaan safray ama aad  u dhawaatay qof qaba cudurka jadeecada,  leedahayna mid ka mid ah waxyaabaha soo socda:

  • Qandho daran oo heerkulkeedu ka sarreeya 38 ° C (100.4 ° F)
  • Qufac
  • Sanka oo duuf ka socda
  • Xanuun ama indhaha oo ku casaada
  •   Jirka oo yaruurac ka soo daata
Verywell

Wac rugtaada caafimaadka oo raac tilmaamaha dhakhtarkaaga ku siiyo. Waxay ku siin doonaan daryeel khaas ah si jadeecadu aanay ugu faafin dadka kale.   

Ka hortag jadeecada oo la xiriir dhakhtarkaaga gaarka ah kalana hadal talaaka MMR iyo talaallada kale ee aad u baahan tahay. 

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here