HomeLatestShilal qaar sababay dhimasho ayaa dhacay kadib markii uu da’ay baraf aad...

Shilal qaar sababay dhimasho ayaa dhacay kadib markii uu da’ay baraf aad u badan Minnesota. 

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Gawaari badan ayaa isku dhacay qaar kalena wadada ayay ka baxeen subaxnimadii Jimcaha kadib markii baraf dhawr inchi ah uu ku da’ay wadooyiinka.  

Ciidamada gobolka Minnesota ee loo yaqaan State Troopers ayaa ku soo qoray  X (Twitter) inta u dhaxaysay 5tii galabnimo Habeenimadii Khamiista (markas oo uu baraf fudud bilaabmay) iyo 6 subaxnimo jimcaha ay ka jawaabeen 175 shil, 19 ka mid ah ayaa dhaawac gaystay. Halka 101 baabuur oo kale ay wadada ka baxeen, waxaana la soo sheegay  in sadex taraak ay shil galeen. 

Barafka da’ay habeenimadii Khamiista ilaa subaxnimadii jimcaha ayaa ah kii ugu horeeyay labo baraf oo la filayo in ay da’aan usbuucaan . Shaqaalaha iyo gawaarida barafka xaaqa ee MnDOT ayaa habeenkii oo dhan shaqaynayay. Waxaa ay ku soo waramaayan in wadooyinka ay simbiriraxo badan lahaayeen oo sababtay in gawaari badan ay wadada ka baxaan. 

Koonfurta metro, oo u dhaw Albert Lea, saraakiishu waxay xidheen dhanka galbeed ee Interstate 90 shil halis ah oo dhacay dabayaaqadii Khamiista. Ciidamada gobolka ayaa sheegay in nin 51 jir ah oo reer Iowa ah uu dhintay ka dib markii gaadhiga uu watay uu ku dhacay taraak.  Darawalkii waday gaariga xamuulka ah, oo ah haweeney 60 jir ah oo ka timid Oklahoma, ayaa isbitaal la dhigay iyadoo ay soo gaartay dhaawacyo aan halis ahayn. Waaxda Gaadiidka ee Minnesota ayaa sheegtay in gaadiidka loo weeciyay inta u dhexeysa Highway 13 iyo South Broadway Ave. ilaa baaritaanka laga soo gabagabeynayo oo laga nadiifinayo goobta.

Digniinaha la xiriira halista hawada ayaa ka dhaqangalaysa badi badhtamaha iyo koonfurta bari ee Minnesota ilaa 10ka subaxnimo ee Jimcaha maadaama barafku  da’ayay habeenkii oo dhan. 

 Baraf kale oo aad u wayn ayaa la filayaa in uu da,o Axada nagu soo aadan. 

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here