HomeJusticeCabdiraxmaan Daahir oo ka tirsan booliiska St. Paul, wax dacwad ah looma...

Cabdiraxmaan Daahir oo ka tirsan booliiska St. Paul, wax dacwad ah looma haysto kadib markii uu nin toogtay sanadkii hore.

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Xafiiska xeer ilaalinta Degmada Ramsey county iyo Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud Keith Elleson ayaa war-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen ku sheegay in aan wax dacwad ah lagu soo oogi doonin Cabdirahman Dahir. Cabdiraxman waa askari ka tirsan nabadsugida St. Paul oo toogasho ku dilay Yia Xiong 2023. Go’aankan ayaa la gaaray ka dib baaritaan qaatay 10 bilood oo ay qayb ka ahaayeen khubaro ku takhasusay isticmaalka awooda ee booliiska. 

 Xeer Ilaaliyaha Degmada Ramsey John Choi iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Gobolka Minnesota Keith Ellison ayaa si wada jir ah u soo saaray bayaan arbacadii waxayna ku sheegen in isticmaalka awooda dilka keentay ee uu adeegsaday sarkaalka lagu magacaabo Cabdirahmin Dahir ay tahay mid “gar ah” marka loo eego sharciga Minnesota.  

Xarunta danbi baarista ee Bearou of Criminal Apprehension ayaa natiijada baaritaanka u soo bandhigaty xafiiska Chi Maayo, 16, 2023. Choi ayaa ka codsadsay  Ellison inuu ku soo biiro dib u eegista.  

“Mar kasta oo ay dawladdu isticmaasho xoog dhimasho sababa, waa masiibo soo wajahda dhammaan kuwa ku lugta leh, waxayna u baahan tahay xeer-ilaaliyeyaashu in ay runta raadiyaan iyaga oo aan eex, baqdin, ama  ixsaan aan u samayn qofna, runtana ay ka sheegaan,”  Choi ayaa ku  yidhi qoraal uu soo saaray.  Baaritaanka iyo talada khabiirka waxaan ku gabagabaynay kiiskaan in awooda dilka sababaty ee uu isticmaalay  sarkaal Cabdiraxamiin Daahir  ay tahay mid sharciga waafaqsan oo aan wax dambi ah lagu soo oogin. Waxaan aad uga xumahay in go’aankan sharci uu sii kordhin karo xanuunka qoyska Mr. Yia Xiong iyo xubnaha bulshada ee doonayay wax ka duwan. Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo Xeer Ilaaliyaha Guud Keith Ellison iyo shaqaalihiisa sida ay ugu soo biireen xafiiskayga dib u eegista kiiskan naxdinta leh.”

Cabraxmaan Daahir iyo Noushue Cha  ayaa ka jawabayay wicitaan dadwayne kuwaas oo ka cabanayay nin wata baangad in uu naftooda halis ku yahay. Kadib markii ay yimaadeen goobta, Xiong oo watay baangada ayay ku amreen in uu dhigo haseyeeshee wuxuu ku cararay guriga. Labada sarkaal mid ka mid ah ayaa albaabka ku qaraacay si uu u furo isuna dhiibo. Haseyeeshee, Xiong ayaa albaabka ka soo baxay isaga oo baangata wata doonayana in uu dagaalamo. Cabdiraxmaan ayaa xabada ku furay, halka askarigii kale uu ku furay suuxisada ama tasor ka. 

Kaameerada jirka ee ay watay labada sarkaal ayaa la sii daayay duubitaankii ay sameeyeen. 

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here