HomeCommunity and CultureDowlada Federaalka maraykanka oo deeq lacageed siisay qaar ka mid ah masaajidii...

Dowlada Federaalka maraykanka oo deeq lacageed siisay qaar ka mid ah masaajidii la weeraray sanadkii hore si amaanka u adkeeyaan.

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Shan masaajid oo ku yaala magaalooyiinka mataanaha ah, oo ay ku jiraan laba masaajid oo la weeraray sannadkii hore, ayaa helay deeqaha FEMA si ay ugu bixiyaan sugida aminga masaajida. 

Masaajida la beegsaday waxaa ka mid ahaa masjid Assunnah Islamic Center, Masjid Al-Rahma, Masjid Omar ee ku yaala 24 mall, iyo Masjid Al-Towhiid oo dhamaantood ku yaala magaalooyiinka mataanaha ah. 

” Weerarka wuxuu nagu reebay argagax, intaa wixii ka danbeeyayna waxaan galnay feejignaan,” ayuu yiri Imaam Cabdullaahi Nuur.

Burburkii loo gaystay Masjid Assunnah wuxuu gaystay khasaare lagu qiyaasay $10,000 — marka lagu daro kharashka hagaajinta.

Sideed bilood ka dib, jamaacada masaajidka wali feegignaan ayay ku jirtaa sida uu sheegay Imaam Cabdullahi Nuur oo loo yaqaan Sheikh Abul-fadli.    

Mudo afar todobaad gudahood bilihii April iyo Maajo ee sanadkii la soo dhaafay, afar masaajid ayaa lagu bartilmaameedsaday dab iyo burbur, waxaana ka mid ah Masjid Omar Islamic Center iyo Masjid Al Rahma ee Minneapolis, As Sunnah iyo Oromo American Tawhid Islamic Center ee St. Paul.

Ilaa 11 masaajid oo ku yaalla gobolka Minnesota ayaa la burburiyay ama la  dhibaateeyay 18-kii bilood ee ugu dambeeyay, taasoo qayb ka ah mowjado weeraro ah oo aan horay loo arag, sida uu noo sheegay Maxamed Ibraahim, oo ah agaasime ku xigeenka qaybta Minnesota ee Golaha Xiriirka Islaamka iyo Maraykanka (CAIR-MN).

Sida Masjid Assunnah,  Masjidka Daar Al Qalam, Masjid Al-Ansar Islamic Community Center, iyo  Masjid Ramadaan Center oo ku yaala St. Paul, midkiiba waxa la siiyay $150,000. Daar Cumar Al-Faaruuq waxa la guddoonsiiyey $4,000.

Shan iyo toban kaniisad oo Minnesota  kuyaal, macaabida yuhuuda, iyo  hay’ado aan faa’iido doonka ahayn ayaa sidoo kale helay deeqda.

CAIR-MN waxay ka caawisay masaajidda qorida codsiga sannadkii hore; Maxamed ayaa uu sheegay in ay nasiib darro tahay in shan masjid kaliya ay deeqaha helaan.

“Masaajidyadu waa meelaha ay bulshadeenu ku dareemeyso ammaan iyo lahaanshaho. Ma aha oo kaliya goob cibaado, laakiin sidoo kale waa goob waxbarasho, isu imaatin bulsho, iyo [goob ay tahay in dadku] dareemaan ammaan,” ayuu yidhi.

Imam Mohammed Dukuly, oo ah  maamulaha Masjid Al-Ansar, ayaa sheegay in masaajidka la weeraray dhowr jeer sannadkii hore, dhibaatada loo gaystayna  loo gudbiyay sharci fulinta.  

“Waxay si weyn kor ugu qaadi doontaa awooddayada si aan u sugno ammaanka iyo ammaanka qof kasta oo misaajidka imaada,” ayuu ku yiri war-saxaafadeed.

Dar Al Qalam oo ku yaala  Minneapolis ayaa  marar badan dhibaato loo gaystay, oo ay ka mid tahay rasaas lagu dhuftay daaqadda masaajidka, sida uu noo sheegay Sheikh Cabdifataax Mursal. 

Dhammaan masaajidda la beegsaday ma helin deeqda. Masjid Cumar, Masjid Al Rahma, iyo Xarunta Tawxiidka ayaanan helin deeqdaan. Masjid Al Rahma oo ku yaalla koonfurta Minneapolis ayaa laba jeer uu dab qabsaday 2023.  waxaana xarunta Tawxiid soo gaaray burbur xooggan kaddib markii dab la qabadsiiyay Maajo 17, 2023.  

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here