HomeBusinessMaayarka magaalada Minneapolis Jacob Frey oo laga mamnuucay Karmel Mool.

Maayarka magaalada Minneapolis Jacob Frey oo laga mamnuucay Karmel Mool.

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Milkiilaha moolka Karmel ee Soomaalida ku ganacsato ayaaku wargaliyay duqa maaalada Minneapolis  Jacob Frey in uusan iman karin suuqa sababtoo ah Frey wuxuu ka hor yimid  qaraarka golaha deegaanka ee muranka dhaliyay ee ku saabsan dagaalka  Israa’iil ka wado marinka Gaza. Frey ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay in ay tahay Yuhuud-nacayb. 

Basim Sabri, oo caan ka ah Minnesota guryo badana ku leh ayaa iimayl uu u diray Frey maalmo ka dib markii duqa uu diidey qaraar ku baaqayay  xabbad-joojin iyo in la joojiyo kaalmada milatari ee Maraykanku siiyo Israa’iil.  Warqadda ayaa ku wargalisay Frey in uusan iman  karin Karmel Mall, oo ay ku yaalaan tukaamo iyo maqaayado badan oo ay Soomaalida leedahay.   

Golaha deegaanka magaalada Minnespolis ayaa cod aqlabiyad ah ku buriyay diidmada duqa magaalada Frey. 

RICHARD TSONG-TAATARIII, STAR TRIBUNE

“Waxaan u maleynayay inaad tahay qof Yuhuudi ah kaliya, laakiin waxay u muuqataa inaad tahay xagjir,” Sabri ayaa ku qoray iimaylka uu u diray Frey. 

Sabri ayaa sheegay in go’aanka uu uga mamnuucay Frey moolka aanay shaqo ku lahayn dhalashadiisa Yuhuudnimo. Waxa uu sheegay in tallaabadan ay ka dambeysay diidmada qayaxan ee Frey kaga hor yimid qaraarka golaha magaalada. Falkaas waxaa uu la midyahay sida  Sabri sheegay in duqa magaalada ku guuldareystay inuu cambaareeyo waxa uu u arko siyaasadaha ka dhanka ah Falastiiniyiinta ee Israel.

“Warqadan waxaan kugu sheegaynaa in aan jarnay xiriirkii aan kula lahayn  oo aanan hadda wax kalsooni ah kugu qabin, maadaama qaar badan oo ka mid ah falalkaaga ay ka hor imaanayaan bini’aadantinimada,Soomaalida iyo xuquuqda bulshada soogalootiga ah,”  ii maylka Sabri ayaa intaa ku daray. “Sidaa darteed, fadlan warqadaan u qaado ogaysiis rasmi ah oo  aadan soo gali karin Karmel ee ku yaal 2910 Pillsbury Ave. S. iyo 200 W. Lake St.”

Dhismaha Karmell Mall ee Sabri ayaa ah goob ganacsi iyo mid bulsho oo aad u mashquul badan oo ay ku nool yihiin bulshada Soomaaliyeed.

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here