HomeEducationSoomaalida St. Louis Park Public Schools ayaa loo ogolaaday in caruurtooda kala...

Soomaalida St. Louis Park Public Schools ayaa loo ogolaaday in caruurtooda kala baxaan casharada LGBTQ+, kadib markii ay ku hanjabeen in ay Maxkamada tagayaan.

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Dugsiyada Dadweynaha ee St. Louis Park ayaa u ogolaaday caruurta qoysaska aan doonayn in ilmahoodu loo akhriyo ama bartaan buugaagta LGBTQ+ , ka dib markii lix qoys oo Soomaali  ah ay ku hanjabeen inay dacweyn doonaan degmada. Qoysaska Soomaalida ayaa hore loogu diiday in la siiyo ikhtiyaar ay caruurtooda fasalka oga bixi karaan xiliga la baranayo casharadaan. 

Kayla Toney oo ah qareenka u doodayay Soomaalida kana tirsan First Liberty Institute oo fadhigeedu yahay Texas ayaa tidhi “Waxaan u maleyneynaa in tani ay guul u tahay xorriyadda diinta ee dadka diimaha haysta oo dhan, iyada oo aan la tagin maxkamad,”.  Qoyasaska Soomaalida ayaa hore ugu hanjabay in ay maxkamad la tiigsan doonaan hadii aan codsigooda la aqbalin. 

Hodan Xasan oo muddo 14 sano ah ku nooleyd St. Louis Park, isla markaana afar carruur ah u dhiganaysay dugsiyada dadwaynaha ee St. Lious Park , ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay ogolaashaha degmada ee codsigeedii ahaa in carruurteeda loo ogolaado inay ka bixi karaan fasalka xiliga la akhrinayo buugaagta ay ku qoran yihiin dadyowga  LGBTQ+ todobaadkii hore. 

Taa badalkeeda, Degmada ayaa looga baahan yahay in caruurtaasi ay u samayso waxbarasho ay waalidkooda oghol yihiin. 

Hodan ayaa tidhi “Waxaan Ameerika u nimid xoriyadda diinta ee dastuurka damaanad qaadayo, iyo fursada ay helayaan caruurteena,”,  Ogololaashaha nala siiyay inaga iyo qoysaska kale ee ah fursada aan ku diidi karno  waxbarasho kasta oo xad gudub ku ah diinteena,  waxaan awoodnaa in aan caruurteena ku korino mabaadi’da diinteena suuban”

Bayaan ay soo saartay, St. Louis Park Public Schools waxay ku sheegeen inay ku faraxsanyihiin buugaata kala duwan ee ay baraan caruurta ayna ka go;antahay  inay ixtiraamto dhammaan dhaqamada ardayda.

“St. Louis Park Public Schools waxay had iyo jeer u hoggaansamaan sharciga gobolka ee khuseeya xuquuqda sharciga  ee waalidka ee ah inay xaq u leeyihiin in ay diidaan waxbarida qaar, waana sii wadi doonnaa inaan sidaas samayno,” degmadu waxay tiri. Si kastaba ha ahaatee, shaqaalaha degmadu ma samayn doonaan dib u eegis iyaga oo ka wakiil ah qoys kasta ama isku dayi maayaan inay go’aamiyaan waxyaabaha  la diidan yahay.  Intaa waxaa dheer, niqaashka fasalka dhexdiisa lagu sameeyo kuma jiraan  waxyaabaha la ogol yahay in la diido.”

Hadalka degmada ayaa ku nuuxnuuxsaday in go’aankeeda uu ku xiran yahay sharciga gobolka.

“Diidmada ku salaysan ilaalinta xuquuqda dadka laga tirada badan yahay waxay ka soo horjeedaan qiyamkeena ah in aan abuurno badqab  iyo waxbarasho loo dhan yahay iyo jawi  waxbarashada ku haboon,” Bayaanka ayaa sii socday. “Si kastaba ha ahaatee, sharciga gobolka ayaa dhigaya, isbedel walbo oo lagu samaynayo sharciga gobolka waa in uu ka imaadaa sharci-dejiyayaashasha gobolka”.  

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here