HomeEducationDugsiyada Dadwaynaha Edina oo labo arday oo Soomaali ah ka cayriyay Iskoolka,...

Dugsiyada Dadwaynaha Edina oo labo arday oo Soomaali ah ka cayriyay Iskoolka, kadib maxaa dhacay? 

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Qareen u doodaya laba arday oo Muslimiin ah oo wax ka barta Dugsiga Sare ee Edina ayaa dacwad u gudbiyay isniintii Waaxda Waxbarashada ee Maraykanka Xafiiska Xuquuqda Madaniga ah ka dib markii ardaydaas dugsiga laga cayriyay sadex maalmood kadib markii ay ku dhawaaqeen hal-ku-dhag ay ugu hiilinayaan falastiiniyiinta.

Labadan arday oo ah – gabdho Soomaali Mareykan ah oo ka qeyb galay dibad bax ardayda samaynayeen bishii Oktoobar – ayaa waxbarashada laga joojiyay  saddex maalmood ka dib markii ay ku dhawaaqayeen, “Laga soo bilaabo webiga ilaa badda, Falastiin xor ayay noqon doontaa.” xiligii ay ku guda jireen dibad baxa. 

Bruce Nestor, oo ah qareen reer Minneapolis ah si mutadawacnimo ahna ugu shaqeeya Palastine Legal, oo ah hay’ad ilaalisa xuquuqda madaniga iyo dastuuriga  ee dadka  taageera Falastiiniyiinta, ayaa sharaxaad ka bixiyay duruufta ku xeeran mudaaharaadka ardayda.  Waxa uu sheegay in dugsiyada Edina ay soo saareen bayaan 7-dii October kadib iyaga oo sheegay in xanuunka ay la qaybsanayaan  ardayda Yuhuuda, haseyeeshee bayaan la mid ah maynan soo saariin oo ku aadan  ardayda muslimiinta kadib markii Israaiil ay duqayn ku laysay falastiiniyiin badan.  

Qareen Nestor ayaa ka dalbanaya dugsiga Sare ee Edina in ay diinwaanka ardayda ka saaraan cayrinta,  iyo inay soo saarto siyaasad cad oo ah in xoriyada hadalka Falastiiniyiinta aan la cabudhin doonin.

“Tani waa tallaabo horudhac ah,” Nestor ayaa yidhi, isaga oo aan meesha ka saarin dacwad. “Sababta dhabta ah ee aan arintani dadka ugu soo bandhigayno waa inaan caddayno inaan halkan u joogno oo aan diyaar u nahay inaan difaacno ardayda Minnesota oo dhan kuwaas oo doonaya inay ka hadlaan kana qayb galaan mudaaharaadyada lagu taageerayo dadka Falastiiniyiinta, iyo inaanan suulino munaafqada lagu ciqaabaysa ardayda Muslimiinta ah”.

Hal-ku-dhegga ah, “Laga soo bilaabo webiga ilaa badda, Falastiin way xoroobi doontaa,” ayay Yuhuud badani u arkaan  inay tahay nacayb. Waxa ay daliishadaan in Xamaas ay isticmaasho si ay u laayaan Yahuuda Israa’iil iyo kuwa ku nool Falastiin. Xildhibaanad Mareykan ah oo lagu magacaabo Rashida Tlaib, oo ah xubintii ugu horeysay ee Congress-ka asal ahaan ka soo jeeda Falastiin, ayaa aqalka Congress-ka uu canaantay bishaan ka dib markii ay hal-ku-dhegaan isticmaashay.  

Laakiin macnaha hal-ku-dhegga, oo tilmaamaya dhulka u dhexeeya webiga Urdun iyo badda Mediterranean-ka, ayaa si kala duwan loo macneeyaa  iyadoo ay ku xidhan tahay  cidda qeexaysa. Jaylaani Xuseen, oo ah agaasimaha fulinta ee golaha xidhiidhka Maraykanka iyo Islaamka ee cutubka Minnesota, ayaa ku macneeyay  “in uu ku baaqayo hal-ku-dhegaan  xoriyada dadka reer Falastiin ee aan xorta ahayn, ee ku nool dhulka laga haysoa.”

Shirkii jaraa’id ee Isniintii, Nestor iyo Hussein waxay sidoo kale dhaleeceeyeen Islaam nacaybka iyo naceybka Yuhuuda iyagoo ku doodaya hal-ku-dhagga ka dhashay cayrinta ardayda in uusan ahayn, naceyb.

Boga Instagram-ka ee ardaydii  soo abaabushay  mudaaharaadka, @ehswalkoutforpalestine, ayaa soo qoray jawaab ku aaddan tillaabooyinka edbinta ee degmada qaaday: “Ujeedkayagu weligeen ma ahayn inaan bartilmaameedsanno koox diimeed ama qowmiyad.”

Jaylaani ayaa xusay in xafiiskiisa ay soo gaareen cabashooyiin badan oo ku aadan dhibaato loo gaysanayo ardayda Muslimiinta ah. 

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here