HomeEducationYaa Noqon Doona Kormeeraha Guud ee Dugsiyada Dadweynaha Minneapolis? 

Yaa Noqon Doona Kormeeraha Guud ee Dugsiyada Dadweynaha Minneapolis? 

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Guddiga dugsiyada dadweynaha Minneapolis, ayaa habeenka isniinta  November 27, 2023  iwarayso shaqo la yeelan doona qofka ugu horeeya ee labada qof ee ku soo baxay tartanka  shaqada  Kormeeraha guud ee dugsiyada dadweynaha   Minneapolis.

Sonia Stewart, oo hadda ah ku xigeenka kormeeraha guud ee Hamilton Public Schools ee Chattanooga, Tenn., waxay la kulmi doontaa dadweynaha laba jeer oo ah kulan-iyo-salaan ka hor inta aysan ka jawaabin su’aalaha guddiga dugsiyada dadwaynaha Minneaplis laga bilaabo 6:30 ilaa 8:30 p.m. Wareysiga, oo lagu qabanayo Xarunta Davis ee ku taal  W. Broadway Ave.  ayaa u furanDadwaynaha si toos ahna waa loo tabinayaa. 

Musharaxa kale, Lisa Sayles-Adams, waxay ay salaami doontaa dadweynaha waraysiga shaqana laga qaadi doonaa maalinta Arbacada.  Sayles-Adams waa maamulaha dugsiyada Eastern Carver County.

Shaqada Stewart waxaa ka mid ah 13 sano oo ay ka shaqaynaysay dugsiyada Nashville, Tenn., Halkaas oo ay uga soo shaqeysay maamule dugsi sare, hogaan waaxeed, macalin dhigta xisaabta, tababaraha kubbadda koleyga, ka dibna sarkaalka fulinta ee horumarinta hay’ada ee degmada.

Sannadkii 2020, waxay ku biirtay Dugsiyada Dadweynaha Degmada Hamilton iyadoo noqotay kormeere bulsho, iyada oo kormeeraysay dhawr dugsi oo ardayda saboolka ahi dhigtaan. Qiyaastii laba sano ka dib, waxay u wareegtay doorka ku xigeenka kormeeraha degmada, kaas oo u adeega 44,000 arday oo dhigata ku dhawaad 80 dugsi oo ku kala baahsan dhulka metro, iyo xaafadaha fog-fog. 

Waxay shahaadada doctorate-ka ee waxbarashada ka haysataa Jaamacadda Vanderbilt.

Labada kormeere ee kama-dambaysta ah ayaa la magacaabay todobaadkii hore iyada oo la raadiniyay in ka badan sanad.  Kormeeraha ku meel gaadhka ah   Rochelle Cox ayaa hogaaminaysay degmada ilaa Luulyo 2022.

Cox iyo kormeeraha  guddiga dugsiyada dadwaynaha Minneapolis  Sharon El-Amin ayaa labaduba bogaadiyay labada musharax ee u soo baxay finalka inay yihiin musharraxiin adag oo hogaamin doona degmada oo ay dhigtaan  28,000 oo arday, oo hadda ah dedmada 4aad ee ugu weyn gobolka Minnesota. 

Hogaamiyaha cusub waxay u badan tahay inuu wajihi doono go’aamo adag: Dugsiyada Dadweynaha Minneapolis waxay  ayay haysataa  dhaqaale yari xoogan oo soo socota iyo qorshe isbeddel ah oo ay ku jiraan xidhitaanka iyo isku darka iskuulada qaarkood.

Guddiga dugsiyada dadwaynaha Minneapolis  ayaa kulmi doona Jimcaha si ay u doortaan musharraxa kama dambaysta ah, taariikhda uu qofka soo baxo bilaabi doono shaqada  ayaa la go’aamin doonaa ka dib marka go’aan laga gaaro kunturaada lana ansixiyo. 

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here