HomeHealthSaamaynta COVID-19 ee caafimaadka dhimirka lama fududaysan karo

Saamaynta COVID-19 ee caafimaadka dhimirka lama fududaysan karo

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Mid ka mid ah mashaakilaadka adduunka ugu weyn ee    COVID-19 ayaa ah  saameyn ta xun ee u ku yeeshay  nidaamyada caafimaadka, dhaqaalaha iyo bulshada. Dad aad u badan ayaa ku dhintay, ama ku waayey noloshooda. Qoysaska iyo qarabada ayuu kala fogeeyay. Carruurta iyo dhallinyaradu waxay seegeen waxbarashada iyo is dhex galka bulshada. Meheradaha ayaa kacay. Malaayiin qof ayaa fuqaro noqday. 

Sida dadku ula halgamayaan saameyntan caafimaad, bulsho iyo dhaqaale, caafimaadka dhimirka ayaa si weyn u saameeyay. In badan oo naga mid ah ayuu walwal ku riday; halka qaar naga mid ah COVID-19 oga daray  ama sii xoojiyey dhibaatooyin caafimaad-maskaxeed oo ay la ild arnaayeen.  Tiro aad u badan oo dad ah ayaa ka cabanaya murugo, walwal, fikir, iyo isla hadal.  

Dadka qaar ayuu aad u saamayeey marka loo eego inta badan bulshada inteeda kale . Xiritaanka   iskoolada iyo jaamacadaha,  dhallinyaradu waxay noqdeen kuwo u nugul go’doon bulshadeed iyo kala fogaansho taas oo sare u qaaday dareenka walaaca, hubanti la’aanta iyo kalinimada oo horseedi karta dhibaatooyin iyo dabeecado aan wanaagsanayn sida isticmaalka maandooriyaha iyo ka qaybgalka rabshadaha

.  Dumarku waxay si la mid ah la kulmeen cadaadis weyn guryaha, iyada oo hal qiimayn degdeg ah lagu sheegay in 45% haweenku ay la kulmeen nooc ka mid ah rabshadaha, ha ahaato si toos ah ama si dadban sannadkii ugu horreeyay ee COVID-19.

Iyadoo baahida caafimaadka dhimirka ay sare u kacday, adeegyada caafimaadka dhimirka ayaa si ba’an loo  yareeyay si looga jawaabo baahida COVID-19 horaantoii caabuqa. Xaalado badanna, aqoonta liidata iyo macluumaadka khaldan ee ku saabsan fayraska ayaa sii huriyay cabsida iyo welwelka dadka ka joojiyey inay raadsadaan caawimo. Adeegyada caafimaadka dhimirka ayaa hada dib loo soo celiyay. 

Maxaa kula gudboon

Hadii adiga ama qof aad jeceshahay ay la ildaranyihiin xanuunka caafimaadka dhimirka, ama saamaynta COVID-19, fadlan raac talooyiinka soo socda. 

1- Waxaad xiriir deg-deg ah la samaysaa dhakhjtarkaaga caafimaadka. La wadaag dhakhtarka waxa aad la ildarantahay adiga oo siinaya macluumaad dhamaystiran si talo ku haboon xanuunkaaga laguu siiyo. 

2- Ka fogow inaad macluumaad caafimaad ka qaadato baraha bulshada ama qof aan dhakhtar ahayn. Waxaa laga yaabaa macluumaadkaasi in ay dhibaato-caafimaad kuu keenaan. 

3- Isku day in aad xiriir joogto ah la samayso qoyskaaga, asxaabtaada, iyo dadka aad jeceshahay. Dhexgalka bulshada wuxuu kaa caawinayaa in aadan noqon kali, sababtoo ah kelinimado waxay keentaa xanuunka maskaxda. 

4- Misaajidka iyo quraan akhrinta joogtee, iskuna day in aad xaadirto duruusta ka baxda masaajida. Allah oo lagu xirnaado waxay kaa fogaynaysaa xanuunka maskaxda. 

5- Qaado talaalka COVID-19 hadii aadan wali qaadan, caruurtaadana talaal. Talaalku waa ka hortaga ugu horeeya saamaynta COVID-19. 

Hadii aad caawimaad deg-deg oo ku saabsan caafimaadka dhimirka aad doonaysid waxaad fariintan gaaban “MN” ku dirtaa nambarkaan 741741. Ama si toos ah oola soo xiriir bahda Somali TV iyaga ayaa kugu xiraya cid ku caawisa. 

Wixii macuumaad dheeri ah fadlan ka daalaco shabakada waaxda caafimaadka ee Minnesota ama raac linkigaan: 

https://mn.gov/dhs/people-we-serve/seniors/health-care/mental-health

Waxaa qoray: Abdirizak M. Diis

Somali TV of Minnesota

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here