HomeBusinessShariciga jaangoynta ujrada darawada Uber iyo Lyft oo wax ka badal wajahayo 

Shariciga jaangoynta ujrada darawada Uber iyo Lyft oo wax ka badal wajahayo 

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Hogaamiyayaasha aqalka sare ayaa sheegay in wada xaajoodka sharciga aadka looga dooday uu socdo, islamarkaana xafiiska Gov. Tim Walz uu wali muujinayo cagajiid.

Wada xaajoodyada ku saabsan qiimaha mushaharka   darawallada Uber iyo Lyft ayaa weli socda, inkastoo ay  heshiis hor-u-dhac ah dhexmartay todobaadkii hore madaxda  xisbiga dimuquraadiga iyo golaha magaalada Minneapolis. 

Hogaamiyaha Aqlabiyadda Aqalka Sare Jamie Long, DFL-Minneapolis, ayaa sheegay in uu soo bandhigi doono wax ka beddelka qiimaha mushaharka darawalada lagu heshiiyay.   Long ayaa u sheegay warbaahinta in ay wada xaajood kula jiraan xafiiska G. Gobolka Tim Walz iyo shirkadaha, haseyteeshee ma uusan balan qaadin in qiimaha wax laga badalayo. 

“Haddii taasi tahay meesha aan ku heshiin karno, waa meesha aan ku go’aan qaadan doono,” Ayuu yiri Long. Waxaa hore loogu heshiiyay  $ 1.27 halkii mile iyo 49 senti daqiiqadii.

Aqalka ayaa loo gudbiyay sharciga muranka dhaliyay ee  sare u qaadaya qiimaha ujrada darawalada Uber iyo Lyft, laakiin ma cadda xiliga sharciga loo codayn doono. 

 Uber iyo lyft ayaa sheegay in ay ka baxayaan magaalada hadii sharcigaasi la ansixiyo. 

 Xiligii uu golaha sharci dejinta ka doodayay qodobkaan, darawalada Uber iyo Lyft ayaa ku banaan baxayay dibada hoolka.

Wax ka badalkaan ayaa yimi ka dib markii golaha magaalada Minneapolis ay ansixiyeen sharci kor u qaadaya ujrada darawalada Uber iyo Lyft. Golaha ayaa sidoo kale ka dooday labo soo jeedin, hase yeeshee waxay u codayn doonaan qiimaha hoose todobaadka soo socda. . 

Gov. Tim Walz ayaa diidey sanadkii hore sharci sare u qaadayay ujrada, mana uusan aqbalin qiimaha xisbiga dimuquraadiga kula heshiiyeen golaha deegaanka magaalada minneapolis.   

“Waxaan rabnaa inaan hubinno in darawalada helaan qiimo cadaalad ah, sidoo kale waxaan rabnaa in adeegyada ay sii joogaan minnesota” ayuu yiri Walz jimcihii. 

Laakiin Walz waxaa uu sheegay in aanu ku raacsanayn Long iyo  dadka kale ee aaminsan in shirkadaha ay been ka sheegayaan in ay baxayaan.  

Daraasad ay amartay Waaxda Shaqada iyo Warshadaha ee gobolka ayaa ku qiyaastay in, darawallada aagga metro ee Twin Cities, ay qaadan  karaan 89 senti halkii mayl iyo 49 senti daqiiqaddii si loo siiyo mushaharka ugu yar ee gobolka, ama $1.21 maylkiiba si loo siiyo darawallada  faa’iidooyin badan.

Qiimaha ayaa intaa ka sareeya Gobolka intiisa kale. Daraasada waxay soo jeedisay  $1.16 ilaa $1.41 sababtoo ah darawalada ayaa u kala goosha masaafooyiin dhadheer. 

Uber iyo Lyft  ma ogola labada qiimo midkoodna. Uber ayaa soo jeedisay 68 senti maylkiiba iyo 41 senti daqiiqadii.  Uber waxa ay adeegsanaysaa abka si ay u waydiiso raacayaasha in ay u ololeeyaan sharci-dejiyeyaasha si ay uga soo horjeestaan sharciga.

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here