HomeBusinessShaqaale ka badan 1000 qof oo Soomali badan ka mid yihiin kana...

Shaqaale ka badan 1000 qof oo Soomali badan ka mid yihiin kana shaqeeya garoonka diyaaradaha St. Paul iyo Minneapolis oo dalbanaya mushaar kordhin.

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Urur shaqaale oo matala in ka badan 1000 qof oo ka shaqeeya garoonka diyaaradaha ugu wayn minnesota, ayaa ku qasbaya maamulka garoonka in ay bixiyaan mushaar gaaraya ugu yaraan $20 saacadii. Qandaraaska shaqaalaha lala galay ayaa dhacaya goor dhaw. 

Service Employees International Union Local 26 ayaa matala ku dhawaad 1,000 shaqaalaha garoonka kuwaas oo isugu jira kuwa nadiifiya diyaaradaha, dadka curyaamiinta ahna ku riixa gaari-curyaanka, iyo shaqooyiinka kale ee garoonka. 

Shaqaaluhu waxay doonayaan in loo sameeyo in mushaarka hada ay qaataan oo ah $15.33 laga dhigo $20 saacadii, lana siiyo caymis caafimaad oo ay awoodi karaan. 

Dan Mendez Moore, oo ah agaasimaha abaabulka ee Local 26, ayaa sheegay in ururka shaqaalaha iyo shirkadaha ka shaqeeya garoonka ay labo goor ay kulmeen Diseembar horaanteedii si ay isula meel dhigaan mushaar bixinta cusub, waxayna qorshaynayaan in ay kulmaan labo mar oo kale.  

SEIU Political Director Samantha Diaz addresses the board members of the Metropolitan Airport Commission on behalf of airport workers seeking higher wages on Monday, January 22, 2024.

Sida uu qabo mendez, go’aanka mushaar kordhinta wuxuu ku iman karaa labo siyaabood. In shirkadaha ay si iskood ah u kordhiyaan mushaar bixinta, ama maamulka garoonka ku dhawaaqo. 

Asma Cumar oo ah shaqaalaha logistikada  ayaa sheegtay in shaqaaluhu ay horay ula kulmeen shirkadaha loo shaqeeyo si ay ogala hadlaan mushaar kordhinta,  laakiin “wax wanaagsan” kama soo bixin kulammada.

“Aad ayaan u naxay oo isla markaana waan ku xanaaqay,” ayay tidhi Asma, wareegyadii hore ee wadahadallada.

Shaqaalaha adeega ayaa si tartiib-tartiib ah mushaarkooda kor loogu qaadayay, laakiin mid ka mid ah shaqaalaha  ayaa sheegay in siddeed sano ka dib oo uu shaqada ku jiray uu hada ka niyad jabay shaqada.  

Cismaan Sheekh waxa uu ka shaqaynayey nadiifinta diyaarada sidoo kalena curyaamiinta ayuu ku kaxaynayay gaari-curyaanka. Waxaa uu sheegay in Sicir-bararka awgiis uu mushaarkiisa waxba u goynayn hada. Wuxuu ka filayaa Shirkadaha uu u shaqeeyo inay ugu dambayntii siiyaan Shaqaalaha Mushahar-kordhin iyo Daryeelka Caafimaad  ee ay dalbanayeen.

“Wax walba waa isbedelayaan laakiin weli waxaan helnaa isla lacagtii nala siin jiray,” Cismaan ayaa yiri.”

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here