HomeCommunity and CultureMaamulka Magaalada Minneapolis oo Xiray xeradii 2aad ee hoylaawayaasha ee Koonfurta Minneapolis

Maamulka Magaalada Minneapolis oo Xiray xeradii 2aad ee hoylaawayaasha ee Koonfurta Minneapolis

Date:

Related stories

DHS–Childcare Provider Dispute Escalates Over Payments and Licensing in Minnesota

MINNEAPOLIS, Minn. A dispute between the Minnesota Department of...

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday LifeA...

Maamulka Magaalada Minneapolis ayaa burburinya guryaha hoylaawayaasha koonfurta Minneapolis markii labaad bishan.  

Xerada E. 26th Street iyo 14th Avenue S. ee la burburiyay Talaadadii waxaa sameeyay dadkii deganaa Camp Nenookaasi oo Janaayo 4teedii la xiray. Xerada cusub ayaa ka sameysan laba baloog oo koonfur ka xigta Camp Nenookaasi. Labada deegaanba waxaa u badnaa dadka asaliga Amerikaanka ah.   

 Warbaahinta ayaa loo oggolaaday inay u  galaan xerada xiligii xiritaanka. Tiro kooban oo mutadawiciin ah ayaa sidoo kale loo oggolaaday inay dhaafaan xeendaabka booliiska si ay uga caawiyaan dadkii deganaa guuritaanka.  

Isku dubaridaha kaamka ayaa sheegay in aysan jirin wax qorshe ah oo dadka degan xerada loogu rarayo meel saddexaad, mana cadda halka ay aadi doonaan dadkii degganaa xerada.

Guddoomiyaha Badbaadada Bulshada Todd Barnette ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay  Talaadadii ka sheegay in xerada labaad iyo Camp Nenookaasi ay ka jireen arrimo caafimaad darro iyo nabadgalyo xumo, oo ay ku jiraan hanjabaado dil ah, burbur hantiyeed, daroogo xad dhaaf ah, iyo isticmaalka fentanyl.

Nin 29 jir ah oo aan la aqoonsan ayaa lagu toogtay Isniintii waddada E. 26th oo ka baxsan xerada, waxaana toogtay nin looga shakisan yahay inuu “ka soo baxay” xerada, ayuu yiri Barnette. Ninka ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo aan halis ahayn, waxaana loo qaaday isbitaalka; Ma jirto cid loo qabtay kiiska ilaa subaxnimadii Talaadada.

Barnette waxa kale oo uu sheegay in waaxda caafimaadka ee magaaladu ay la socotay tayada hawada agagaarka xerada, dab ka kacay xerada awgeed.  Magaaladu waxay qiyaastay in ilaa 25 qof ay ku noolaayeen xerada labaad.

#image_title

Sarkaalka Hawlaha Magaalada Margaret Anderson Kelliher ayaa sheegtay in Avivo, oo ah hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo loogu talagalay in lagu soo afjaro hoy la’aanta, ay hayso 20 sariirood oo dheeraad ah  oo ay ugu talo gashay dadkii degganaa Camp Nenookaasi markii la xidhay. Si kastaba ha ahaatee, waxay aaminsan tahay in aan dhammaan sariiraha la isticmaalin.

“Waxaa jiray 80 ilaa 90 sariirood oo la heli karo habeen kasta tan iyo bilawgii Janaayo, macluumaadkaasina wuxuu si toos ah uga imanayaa dashboardka kooxda wacyigelinta ee Degmada Hennepin,” Kelliher ayaa tidhi. “Waan ogahay in samefalayaasha ay si adag u shaqeeyeen si ay goobaha ay maamulaan uga dhigaan kuwo ammaan ah  si ay u caawiyaan dadka, waxaa jiray waqti laga yaabo inaysan sidaas ahayn.”

Kelliher waxay sheegtay in ay u badan tahay in magaaladu ay ku bixisay “boqolaal kun” oo doollar si loo loo xiro Camp Nenookaasi iyo xerada labaad.

Mar la weydiiyay sida ay magaaladu uga jawaabi doonto haddii xerada labaad ay u guurto meel cusub, Kelliher waxay tidhi, “Waxaan u maleynayaa inay danta ku jirto inaan la helin xero kale oo wayn oo loo guuro.”

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here