HomeLatestSidee bay oga falcelisay haweenay degan Minnesota kadib ,marklii loo sheegay in...

Sidee bay oga falcelisay haweenay degan Minnesota kadib ,marklii loo sheegay in qaar badan oo ka mid ah ehelkeeda ay ku dhinteen duqaymaha Israa’iil ay ka wado Gaza?

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Fatma Abumousa oo degan Minnesota ayaa aad u murugootay kadib markii ay soo baxday faahfaahin ku saabsan duqeyn diyaaradeed oo Israa’iil ay ka geysatay xaafadda qoyskeeda ee koonfurta Qaza, taasoo daaha ka qaadaysa masiirka naxdinta leh ee eheladeeda. Duqaymaha lala beegsaday guriga Abumousa oo ka kooban afar dabaq, ayaa sababay dhimashada shan qof oo isku qoys ah  oo ay ku jiraan dumaashideed, laba wiil oo ay habaryar  u tahay oo da’doodu kala tahay 8 iyo 18 jir, wiil 6 jir ah oo ay eedo u tahay iyo 43 jir. ina adeerkeed ah. Siddeed qof oo kale oo guriga ku sugnaa ayaa soo gaaray dhaawacyo, taasoo keentay in qoyska oo dhan ay la murugoodaan masiibadaan. 

Jehad Adwan, oo ah ninka Abumousa ahna qaxooti Falastiini ah oo ku koray Gaza, ayaa ka xumaaday caqabadaha ka haysta shaqadiisa Jaamacadda Gobolka Minnesota, ka dib qalalaasaha ka jira waddankiisa. Abumousa, oo u soo guurtay Minnesota saddex sano ka hor, ayaa la tiiraanyayaysan dhibaatada soo gaartay qoyskeeda, iskuna dayaso sidii ay u heli lahayd samir xili wararka xun ay joogto yihiin. 

Duqayntan ayaa qayb ka ah jawaabta ay Israa’iil ka bixinayso weerar kaga yimid ururka Xamaas kaas oo sababay dhimashada ugu yaraan 1400 israai’iil ah iyo  8,000 oo falastiiniyiin ah, taas oo uga sii dartay xaaladda cakiran ee Gaza. willka Abumousa habaryarta u tahay oo 18 jir ah oo lagu magacaabo Hmaid oo ku taamayay in uu noqdo Injineer Kombuyuutar   iyo Hooyadiis Heba oo ahayd qoraa karti badan ayaa ka mid ahaa dadkii riyadooda lasoo gaabiyay. 

Cadwaan, oo  ay saamaysay duqaymaha ka dhacay deegaankii uu ka soo jeeday, ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay beegsiga dadka rayidka ah, isagoo cambaareeyay dembiyada dagaal ee ka dhalan kara colaadda sii xumaanaysa. Iyadoo ay jiraan caqabado dhanka isgaarsiinta ah oo ka dhashay internet iyo koronto la’aan, ayaa lamaanahan waxay  taageero qalbi qaboojin ka heleen bulshadooda, iyadoo asxaabta iyo deriska ay u tacsiyeeyeen una fidiyeen nasteexo aad loogu baahnaa muddadan murugada badan.

Warbixintani waxaa soo tebisay oona xaqiijisay StarTripune

Translated by Abdirizak Diis

Katana
Katanahttps://politics101.online
I am an impassioned news blog writer, a dynamic force in the ever-evolving world of digital journalism. With a keen eye for detail and a commitment to truth, I navigate the complex web of information to bring readers timely and insightful news stories.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here