HomeJusticeWarbixinta 3aad: Hay’adaha aan macaaash doonka ahayn ee lala xiriirinayo fadeexadii Feeding...

Warbixinta 3aad: Hay’adaha aan macaaash doonka ahayn ee lala xiriirinayo fadeexadii Feeding Our Future, miyaa la kala diray?

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Minnesota Keith Ellison ayaa qaaday tallaabo adag oo uu ku kala dirayo ku dhawaad 24 hay’adood oo aan faa’iido doon ahayn oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen fadeexada khiyaanada gargaarka cuntada   federaalka ee Feeding Our Future. Dacwadaan madaniga ah oo la xareeyay Arbacadii, ayaa ujeedadeedu tahay in si joogto ah loo xiro 23 hay’adood oo laga shakisan yahay kuwaas oo la aasaasay  xiligii bilowga fadeexada  2020. Lacagaha loogu talagalay carruurta danyarta ah, ayaa gilgilay hay’adaha samafalka ee gobolka, taasoo keentay in baaritaan ballaaran lagu sameeyo ku takri falka hantida dadweynaha.

Kiiska Feeding Our Future, oo  lagu soo oogay 60 eedaysane, kuwaas oo lagu eedeeyay eedaymo la xidhiidha shirqool, khiyaano lacag wareegin, iyo lacag dhaqid, ayaa  ] 14 kamid ah   qirtay dambiga, kuwaas oo sugaya xukun, halka eedaysanayaasha hadhayna ay ku adkaysanayaan in aanay wax dembi ah lahayn. Sida ay sheegeen xeer-ilaaliyeyaashu, hawl-galkan been abuurka ah waxa uu ku lug lahaa hay’ado kafaalo-qaad ah oo ka helaya lacagaha dawladda dhexe oo loo soo mariyo Waaxda Waxbarashada ee Minnesota, lacagtaas oo loogu talagalay in cunto loogu qaybiyo carruurta. Si kastaba ha ahaatee, baarayaashu waxay ogaadeen in inta badan dhaqaalaha loo leexiyay dano gaar ah, oo ay ku jiraan iibsashada guryaha raaxada iyo baabuurta qaaliga ah, halkii ay u adeegi lahaayeen ujeeddadii loogu talagalay.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ellison wuxuu carrabka ku adkeeyay in dhammaan 23-ka hay’adood ee aan faa’iido doonka ahayn ee dacwadaha lagu soo oogay ay ku eedeyeen in ay isdaba mariyeen diiwaannada maaliyadeed ayna dayaceen in ay u hoggaansamaan shuruucda  gobolka iyo federaalka. In kasta oo uu baaritaanku socdo, ma jiro mid ka mid ah hay’adaha oo la shaqeeya Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, taas oo keentay go’aanka ah in la xidho. Ellison wuxuu cambaareeyay hay’adaha musuqa sameeya, wuxuuna dhahay, “Hay’adaha aan Macaash-doonka ahayn waa inay u faa’iidayaan dadweynaha – maaha inay khiyaameeyaan.”

Liiska hay’adaha aan faa’iido doonka ahayn ee wajahaya xidhitaanka waxaa ka mid ah Academy for Youth Excellence, African Chamber of Commerce Education, Hope Academy for Youth & Women Empowerment iyo kuwo kale oo badan.  Tallaabooyinkan sharci ee ugu dambeeyay ayaa daba socda talaabooyiinkii  hore ee Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku uu ku doonayay in uu ku baabi’iyo Feeding Our Future, taas oo shaqada joojisay fadeexaddan ka dib. Iyadoo baaritaanku uu socdo, dadweynuhu waxay si weyn u sugayaan horumarro kale oo ku saabsan raadinta caddaaladda iyo isla xisaabtanka.

Sheekadan waxa soo tebisay oo xaqiijisay Sahan Journal.

Translated by Abdirizak Diis

Katana
Katanahttps://politics101.online
I am an impassioned news blog writer, a dynamic force in the ever-evolving world of digital journalism. With a keen eye for detail and a commitment to truth, I navigate the complex web of information to bring readers timely and insightful news stories.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here