HomeCommunity and CultureSoomaali badan ayaa Walaac ka qaba dib u doorashada Donald Trump

Soomaali badan ayaa Walaac ka qaba dib u doorashada Donald Trump

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Afeef: Warbixintani waxaan ka soo xiginay wargayska The Minnesota Star Tribune. Waxaa turjumay soona koobay Abdirizak Diis.

Xabiiba Maxamed oo ah Qaxooti Soomaaliyeed  oo hadda ku nool Minneapolis, ayaa walwal badan ka qabta dib u dhac ku imaada in ay dib ula midowdo hooyadeed.  Cabsida ugu badan ayaa ka imanaysa  rabitaanka Madaxweynaha la doortay ee Donald Trump  oo balan qaaday in uu xaddidayo qaabilaadda qaxootiga. 

Safarka xabiiba ayaa soo bilowday  2018-kii markaasoo ay u qaxday xero qaxooti oo ku taal dalka Uganda kadib markii Al-Shabaab ay halis galiyeen nolosheeda oo ay beegsadeen maqaayada ay ka shaqeyn jirtay. Shan sano kadib, ayay dib ula midowday hooyadeed oo ku sugnayd xerada . Xabiibo ayaa heshay deganaasho maraykanka ah gaar ahaan  Minneapolis, waxay ka cabsi qabtaa inay hooyadeed mar kale mudo kala maqnaadaan  sababo la xiriira siyaasadda maamulka iman doona.

Xiligii uu madaxwaynaha ahaa Trump, qaxootiga Soomaalida ee Minnesota ayaa hoos u dhacay. tusaale ahaan, 2020kii 48 qof oo oo Soomaali ah ayaa wadanka soo gashay, halka 2024ka ay gaartay 1262 qof. taas waxay keentay keentay walaac ballaaran oo ay qabaan qoysaska sida Xabiibo oo kale in ay ku adkaato inay keenaan eheladooda. 

#image_title

Madaxweynaha dooran ayaa wacad ku maray in uu dib u soo celin doono xayiraaddii dhanka socdaalka iyo in la hakiyo qaabilaada qaxootiga, taasoo keentay in dadka weli ku nool xeryaha sida Nakivale ee dalka Uganda ay aad uga walaacsan yihiin mustaqbalkooda.

Nawaal Jaamac, oo ah qaxooti kale oo Soomaali ah oo ku guulaysatay in ay hesho dib u dejin haatana ku nool magaalada St. Paul, ayaa u naxsan dadka wali ku nool xerada qaxootiga ee Uganda. 

Nawaal Soomaaliya ka soo carartay ka dib markii dil arxan daro ah loo gaystay aabaheed iyada oo yar. Nawaal ayaa Mareykanka ka heshay magangalyo laakiin waxay si joogto ah uga welwelsan tahay caqabadaha sugaya dadkeeda ay jeceshahay ee ku haray xeryaha qaxootiga sida inaadeerkeed.  

Laali Maxamuud ayaa bishii hore dib ula midowday hooyadeed ka dib markii ay kala maqnaayeen muddo toban sano ah. Si kastaba ha ahaatee, waxay la kulantay caqabado ka dhashay dib-u-doorashadii Trump, taas oo dib u dhac ku keentay hannaanka socdaalka qoyskeeda. 

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here