HomeCommunity and CultureSoomaalida Minnesota oo Wacad ku Maray in ay Raysalwasaaraha Itoobiya la tiigsan...

Soomaalida Minnesota oo Wacad ku Maray in ay Raysalwasaaraha Itoobiya la tiigsan doonaan maxkamada aduunka.

Date:

Related stories

Minnesota Capitol Hosts 3rd Annual Somali Day Rally Amid Community Challenges

Dozens of people gathered at the Minnesota State Capitol...

Fuel Rationing, Free Buses, and Rising Costs

How the Global Oil Crisis Is Affecting Everyday Life A...

Ramadan 2026 Expected to Begin Around February 18–19 as Moon Sighting Approaches

Muslims across the world are preparing for the holy...

Somalia Receives Turkish Tanks in Push to Modernize Its Army

Somalia has taken a significant step toward modernizing its...
spot_imgspot_img

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa munaasabad balaaran oo lagu taageerayo mowqifka dowlada federaalka Soomaaliya ka qaadatay heshiiska is afgaradka ah ee dhex maray Maamulka Somaliland iyo Dowlada Ethiopia ku qabtay jimcihii Magaalada Burnsville ee gobolka Minnesota.  Munasabadaan ayaa hal ku dhag looga dhigay “difaaca Dalka Hooyo, bad iyo berri toona taako dhulkayaga ahi iib ma ahan.” 

Munaasabada waxaa ka soo qayb galay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan culamaa’udiinka, aqoonyahanka, ganacsatada, iyo bulshada qaybaheeda kala duwan. 

Dhamaan dadkii ka hadlay munaasabada waxay ku nuuxnuuxsadeen in ay naf iyo maalba ku difaacayaan dalka, marnana aysan ogolaanayn in dhulka Soomaaliyeed taako ka mid ah la qaato. Waxaa ay ku baaqeen in Ethiopia ay go’aanka ka laabato. 

Sh Maxamed Mursal oo ah madaxa Isutaga Muslimiinta ee Waqooyiga America ayaa ku nuuxxuusaday in dowlada uu hogaaminayo Madaxwayne Xassan Sh. Maxamuud ay garab u yihiin mar walbo waxaana uu ku eedeeyay in Abiy Ahmed uusan ka talinayn danta geeska Africa. Sheekha wuxuu yiri “Yeelimayno in hal taako oo ka mid ah dhulkeena in la qaato”. Sheekha waxaa kale oo uu sheegay in ay garab taagan yihiin mowqifka dowlada Federaalka Soomaalia.  

#image_title

Sheikh Xassan Jaamici ayaa dhankiisa ka soo qaybgalayasha munaasaba waydiiyay in ay dhaqaale ku bixinayaan si dacwad loogu soo oogo Abiy Ahmed iyo dowlad Ethiopia. “ In aan dacwadaasi qarash garayno diyaar ma u nahay”  dadwaynihii ayaa ku jawaabay “haa” isaga oo hadalka sii wata ayuu yidhi “madaxwayne qarash haka cabsan, inaga ayaa bixinayna.”  

Culamadii hadashay ayaa dhamaantood ku nuuxnuuxsaday in ay marnaba aqbali karin in dhulka Soomaaliyeed taako ka mid ah la qaato.  

Aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka dhawaajiyay in ay sharciga la tiigsanayaan Abiy Ahmed sababtoo ah wuxuu ku xadgudbay  madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya iyo colaada uu ka hurinayo Geeska Africa. 

#image_title

Waxaa xusid mudan in Soomaalida Minnesota ay aad oga dhex muuqdaan Siyaasada dalka Maraykanka saaxiibo badana ku leeyihiin kongereeska. Dowlada Maraykanka ayaa mowqifkeeda cadaysay kuna baaqday in la ixtiraamo xuduudaha Soomaaliya marnabana aan lagu xadgudbi kari. 

Gudiga soo qabanqaabiyay munaasabada ayaa ka dhawaajiyay in ay tani tahay bilow, talaabooyiin isdaba xigana ay qaadi doonaan. Abuu kaate Cabdiwaaxid Qalinle ayaa Soomaali media u sheegay in ay shariga aduunka la tiigsan doonaan. “Hadii aanu nahay jaaliyada Soomaaliyeed ee Maraykanka, Abiy waxaanu gayni doonaa maxkamada aduunka, hadii uu talaabadaasi ka noqon waayo”.  

Abdirizak Diis
Abdirizak Diishttps://politics101.online/
Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical analysis of the Horn of Africa. He holds a Master's degree in Public Affairs from the University of Minnesota and a Master's degree in Political Science from Western Illinois University. With over 15 years of teaching experience, he taught Social Studies at Minneapolis Public Schools for several years. Notably, he is the first Somali American to develop a Somali Studies curriculum. In his free time, Abdirizak enjoys spending time with friends.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here